Duqa Muqdisho oo ‘la saftay’ Siciid Deni una jawaabay Midowga Musharrixiinta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duwa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in waqtigaan lagu jiro xilli siyaasadeed oo ay socdaan howlo doorashooyin ah, isaga oo u jawaabay Midowga Musharrixiinta.

Guddoomiye Cumar Filisha waxaa uu sheegay in Siyaasiyiinta qaar marka ay Carooddaan ama danahoodda ay waayan ay ku hadaaqaan Shirweynaa la qabannaa iyo dibbaa loo noqonaa,wuxuuna sheegay in  waxaas wax dowladnimadda u roon aysan aheyn.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiiaa uu intaasi ku daray Guddoomiyaha in hadallada qaar ee siyaasiyiinta ay ku hadlayaan ay keeni karto in dalka uu dib ugu laabto sidii uu ahaan jiray, taasina aysan wax dan ah ugu jirin Shacabka Soomaaliyeed.

Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha ayaa maalmo ka hor waxaa ay ku dhawaaqeen inay dhisayaan Gole Qaran, wuxuuna Guddoomiye Cumar Filish uu noqday siyaasiga labaad ee u jawaaba Midowga Musharrixiinta.