Ehelka Abu mansuur oo loo sameeyey balan qaadyo ka farxiyey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hoygiisa kulan kula qaatay guddi ka socday ehelka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu mansuur).

Ehelada ayaa waxa ay guddoomiyaha usoo gudbiyeen cabasho ay ka qabaan sii xirnaanshaha Sheekh Mukhtaar Roobow oo ay sheegeen In markii hore xarigiisa loo maray hab sharciga baalmarsan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ehelka Sheekh Mukhtaar ay la wadaageen walaaca ay qabaan iyagoo ka codsaday in xoriyadiisa dib loo siiyo.

Guddoomiyaha ayaa balan qaaday in Mukhtaar Roobow aan lagu fiirsan doonin xabsiga lana xallin doono cabashada reerka.

Sheekh Muqtaar Roobow ayaa waxaa uu xiran yahay muddo kudhow afar sano, isaga oo aan la soo taagin wax maxkad ah.