Erdogan: ‘Macron wuxuu ii sheegay in uusan kasoo horjeedin Islaamka’

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, oo ka qeybgalaya shirka madaxda gaashaanbuurta NATO uga socda magaalada Brussels, ayaa la kulmay madax ay ka mid yihiin, Joe Biden iyo Emmanuel Macron.

Erdogan wuxuu madaxdan kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka.

Madaxweynaha Turkiga, wuxuu sheegay in kulan uu la qaatay Biden uu ahaa mid ‘daacad laga ahaa oo wax ku ool ahaa.’

Dhanka kale, madaxweyne Erdogan oo markii ugu horreysay, in ka badan muddo sanad ah, la kulmay madaxweynaha Faransiiska, Macron, waxay isku soo hadal qaadeen arrimaha Liibiya iyo islaamka.

Ka dib kulanka Erdogan oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Macron uusan ka soo horjeedin diinta Islaamka, balse uu yahay saaxib dhab ah. Wuxuu intaas ku daray in arrintaas ay kasii wadahadli doonaan.

Erdogan oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri: “Wuxuu Macron ii sheegay in ‘uusan ka soo horjeedin Islaamka’. Waxaan idiin sheegayaa in uu yahay saaxib, waanna kasii wadahadli doonnaa arrintani.”

Madaxweyne Macron, wuxuu tilmaamay in Erdogan uu xaqiijiyay in uu doonayo in Libiya laga soo saaro dhammaan dagaalyahannada calooshood u shaqeystayaasha ah iyo malleeshiyaadka shisheeye.

“Waxaan ku heshiinay in aan ka wada shaqeyno sidii calooshood u shaqeystayaasha shisheeye looga soo saari lahaa Libya. Waxaana idiin sheegayaa in madaxweyne Erdogan uu ii xaqiijiyay waxa laga yeelayo dagaalyahanada iyo maleeshiyaada shisheeye”.

Turkiga iyo Faransiiska ayaa isku hayaa colaadda Libya, Faransiiska wuxuu taageeraa Janaraal Khalifa Haftar oo dagaal kula jira dowladda ay Qaramada Midoobey aqoonsan tahay, halka Turkiga uu taageero ciidamada dowladda ee wado dagaalka ka dhanka ah Janaraal Xaftar.

Dowladda Turkiga ayaa sannadkii la soo dhaafay si weyn uga carootay sawir gacmeed uu wargeyska caanka noqday ee Charlie Hebdo ka sameeyay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Sawir gacmeedka ayaa muujinaya madaxweyne Erdogan oo kor u qaadaya dharka haweeney xijaaban.

Bilihii la soo dhaafayba Turkiga iyo Faransiiska waxay isku maandhaafsanaayeen arrimo kala duwan oo la xiriira siyaasadaha caalamka iyo dhaqdhaqaaqyada ay sameynayaan.

Waxaana ka mid ah xiisadda Turkiga kala dhexeysa Giriigga. Xukuumadda Giriigga waxay dabayaaqadii sannadkii hore ku dhawaaqday in ay hub dheeraad ah soo iibsanayso.

Hubkaas ay soo iibsanayaan waxaa ka mid ahaa 18 diyaaradood oo ah kuwa dagaalka ee Faransiisku uu sameeyo. Si gaar ah nooca loo garanayo Rafale.

Turkiga iyo Giriiga ayaa ku loolamaya sidii ay u hormarin lahaayeen kheyraad dhanka tamarta ee bariga badda Mediterranean-ka.

Sannadihii ugu dambeeyay waxaa keyd dhanka Gaaska ah laga helay biyaha Qubrus, taasi oo keentay in dowladdaha Qubrus, Giriiga, Masar, iyo Israa’iil ay ka wada shaqeeyaan sidii ay kheyraadkaas, intiisa badan ula soo bixi lahaayeen.

BBCSOMALI