Erdogan oo fahmay qorshe loo maleegay oo halis ku ah Noloshiisa.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xilli ay madaxda dalalka caalamka ayaa isugu yimiddeen shirka cimilada ee Qaramada Midoobay ee COP26, waxayna soo bandhigayaan qorshaha dalalkooda ee la tacaalidda isbedelka cimilada, dhanka kale, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa diiday inuu ka qayb galo shirkan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sababta ku sheegay ‘sababo amni’.

Turkiga ayaa sheegay in Britain ay ku guuldarreysatay inay ka soo baxdo dalabaadkooda dhanka ammaanka, iyagoo diiday ka qeyb galka shirka ka socda Glasgow Isniintii, sida ay ku warrantay wakaalada wararka ee Reuters.

Arinka xiisaha leh ayaa se ah, Sabtidii iyo Axadii todobaadkii hore, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, waxa uu ku sugnaa Rome oo uu kaga qayb galay shirkii G20.

Intii uu socday kulanka, wuxuu la kulmay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ka dibna waxaa loo qorsheeyay inuu gaadho shirka COP26 ee ka socda Glasgow, Scotland.

Si kastaba ha ahaatee, halkii uu ka tegi lahaa Glasgow, wuxuu ku laabtay Turkiga saqdii dhexe ee Isniintii.

Wargayska Barrons ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray in Erdogan markii uu ku laabtay dalka Turkiga uu u sheegay warfidiyeenka in qabanqaabiyaasha xafladda Glasgow ay ku guuldaraysteen in ay wax ka qabtaan arrimaha ammaanka ee wafdigiisa.

Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa laga soo xigtay Erdogan: “Markii dalabaadkeenna la fulin waayey, waxaan ka tanaasulnay rabitaankeenna inaan aadno Glasgow”.

“Ma aha oo kaliya in ay tahay amnigeena balse sidoo kale waxay khusaysaa sharafta dalkeena.”

Waxa uu sheegay in kuwani ay yihiin hab-maamuusyada caadiga ah ee Turkiga kuwaas oo lagu dhaqmo safar kasta oo caalami ah.