Ergada dooranaysa xildhibaanada golaha shacabka oo maanta lagu xareynayo Muqdisho.

Ergada doorashada gobolada waqooyi

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta oo isniin ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu xareeyo qaar ka mid ah oday dhaqameedka ee dooran doono sagal kursiga oo kamid ah golaha shacabka ee gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu qabanayo doorashada golaha shacabka ayaalaga dareemayaa Muqdisho iyo gobolada dalka.

Shalay ayay aheyd markii Guddiga doorashada Somaliland ay shaaciyeen in toddobaadkan la qaban doono doorashada 9 kursi oo kamid xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee  Somaliland.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa dhawaan sheegay in doorashada Golaha Shacabka ay si rasmi ah u bilaabmi doonto 16-ka bishaan November, ayada oo 24 December 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashadaas.

Sidookale Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa sheegay in la xaliyey dhammaan caqabadihii hortaagnaa doorashada Soomaaliya, si toos ahna loo billaabi doono doorashada.