Ergada dooraneysa kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo Maanta la xareeynayo

Ergada doorashada gobolada waqooyi

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta la filayaa in la xareeyo Ergada dooranaysa 11 Xubnood ee Xildhibaannada Aqalka Sare ku leeyihiin Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Guddiga maamulaya doorashada Gobolada Waqooyi ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxaa uu faray Ergada inay si deg deg ah ugu soo xaroodaan Hangarka Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa shalay oo Sabti ah waxaa ay soo geba-gabeeyeen diiwaangelinta musharixiinta Aqalka Sare.

Maalinta Berito oo Isniin ah ayaa waxaa la filayaa in musharixiinta Aqalka Sare ay jeediyaan khudbadahooda musharaxnimo, si 28 Bisha oo ku beegan Talaadada ay u qabsoonto doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Doorashadda xildhibaanada aqalka sare ayaa gabagabo ah waxaana dhowaan lafilayaa in la billaabo midda xilehibaanada aqalka hoose.

Ergada doorashada gobolada waqooyi