Ergayga Cusub ee Chine U Qaabilsan Geeska Afrika oo La Kulmay Rooble

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo khamiis ah qaabbilay Ergayga gaarka ah ee dowladda Shiinaha u qaabbilsan geeska Afrika Xue Bing.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kaalinta dowladda China ee gurmadka abaaraha dalka ka jira, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Safarka Xue Bing Ergeyga cusub ee dowladda Shiinaha usoo magacowday geeska Afrika ku yimid Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa socdaal uu ku tegi doona toddobaadkan gudihiisa Waddamo ka tirsan gobolka.

Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamiyo, ayaa wada dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee Abaartu ku saameysay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.