Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha iyo ku xigeenka Ergeyga QM oo gaaray Baydhabo

BAYDHABO-AYAAMAHA-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa safarkiisi ugu horreeyay tan iyo markii xilkaas loo igmaday maanta ku tagay magaalada Baydhabo.

Ergeyga waxaa safarka ku wehliyey ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Aadan CabdiMoula.

U-jeedka socdaalka ergeyga iyo ku xigeenla Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ayaa ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen, isagoo kormeer iyo indha-indheyn ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo.