Ergeyga gaarka ah ee gurmadka Abaaraha oo la kulmay wafdi ka socday Mareykanka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdirahman Cabdishakur Warsame, ayaa magaalada Geneve ee waddanka Switzerland kula kulmay wafdiga Maraykanka ee ka qaybgalay furritaanka kalfadhiga 113-aad ee golaha IOM.

Waftiga waxaa hor kacayay ku xigeenka Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibedda Maraykanka ee arrimaha bani’aadannimada, Ms Elizabeth H. Campbell, iyo Amy E Pope oo ah ku xigeenka IOM, haatanna u sharraxan xilka Agaasimaha Guud ee IOM.

Ergeyga ayaa dawladda Maraykanka uga mahad celiyey kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaateen gurmadka abaaraha, isagoo dhanka kale ka codsaday in dawladda Soomaaliya lagala shaqeeyo ka hortagga soo noqnoqashada abaaraha, taasoo ku imaan karta in la maalgeliyo mashaariic wax tar leh dadka oo abaaraha looga hortago sida; tayeynta wax soo saarka beeraha, xoolaha iyo daaqa iyo sidoo kale in la hirgeliyo istiraatiijiyadda biyaha ee dawladda Soomaaliya, lana maalgeliyo kallumaysiga, dhaqashada xoolaha iyo dhiraynta degaanka.