Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha saluug ka muujiyay deeqda Beesha Caalamka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in deeqda ay beesha caalamka ku bixiyaan Soomaaliya aysan ka jawaabi karin halista ka dhalan karta xaaladda abaaraha ee ka taagan Soomaaliya.

Ergeyga ayaa hadalkan ka jeediyey shir-doceed dhinac socda shirwaynaha Jamciyadda Qaruumaha Ka Dhaxaysa, kaasoo ay soo qabanqaabisay Dawladda Check Republic oo haatan ah shir-guddoonka Midowga Yurub.

Shirkan oo isugu jiray gole-joog iyo fogaan arag, waxaa ka soo qayb-galay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Czech-ga Jan Lipavský, Wasiirka Horumarinta iyo Ganacsiga Caalamiga ee Finland, Ville Skinnari iyo Komiishanka Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka bani’aadanimada, H.E. Janez Lenarčič.

Sidoo kale waxaa shirka ka soo qeyb galay Jan Eliassonmoo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Swedan, ahaana ku xigeenka Xoghaya Guud ee QM ee arrimaha gurmadka degdega ah iyo gargaarka bani’aadannimada iyo diblomaasiyiin ka socota Yurub, Canada, Switzerland iyo Maraykanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida ugu habboon ee dib-u-habeyn loogu sameeyn karo u qareemidda iyo dibloomaasiyadda gurmadka iyo gargaarka bini’aadannimo.

Ergayga Gaarka ah wuxuu deeq-bixiyayaasha ku boorriyey in ay dardargeliyaan gurmadka abaaraha, isla-markaana dawladda Soomaaliya lagala shaqeeyo sidii xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo noqnoqda, isagoo tilmaamay in horumarinta iyo maalgashiga qaybaha wax soo-saarka dalka uu xal u yahay soo noqnoqoshada abaaraha.