Eritrea oo markale dagaal aan loo kala harin ku qaadday gobolka Tigray – TPLF

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Eritrea ayaa weerar aan loo kala harin ku qaaday gobolka Tigray ee Itoobiya, waxaa sidaas sheegay afhayeen u hadlay kooxda TPLF.

Ergay Mareykan ah ayaa sheegay inuu Mareykanku ogsoon yahay in ciidamo Eriteriyaan ah ay ka gudbeen xadka, iyagoo galay gobolka Tigray, tallaabadaas oo ay cambaareeyeen.

Dowladaha Eritrea iyo Itoobiya kama aysan hadlin sheegashooyinkaas. Haddiise la xaqiijiyo weerarka Eritrea ee ka dhanka ah jabhadda, waxay ka dhigan tahay arrin uga sii dareysa burburkii bishii hore ee heshiis xabbad-joojin ah oo jiray shan bil.

Dagaal ayaa qarxay bishii Nofeember ee sanadkii 2020, kaas oo daba-socday khilaaf soo kala dhex galay Raysul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) ee gacanta ku haya gobolka.

Eritrea ayaa faragelisay arrinta iyadoo ku dhinac ah milateriga Itoobiya, hase yeeshee, waxaa la sheegay in ay ciidankeeda intiisa badan dib ula baxday sanadkii hore.

 

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa Talaadadii sheegay in dagaal xoog leh uu ka socdo dhowr deegaan oo ku yaalla xadka uu gobolka Tigray la wadaago dalka Eritrea.

 

“Eritrea waxay ciidankeeda oo dhan keeneysaa halkan iyo xitaa kuwa keydka ah. Ciidankeennu waxay si geesinnimo leh u difaacayaan meelaha ay ku sugan yihiin,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Twitter-ka, isagoo intaa raaciyay in ciidanka Itoobiya ay sidoo kale qeyb ka yihiin duullaanka.

Ergayga Mareykanka ee gobolka, Mike Hammer ayaa sheegay in Mareykanku uu la socday dhaqdhaqaaqyada ciidanka Eritrea ee xudduudda.

“Aad baan uga walaacsannahay, waana cambaareynaynaa. Joogista ciidanka Eritrea ee Itoobiya arrinta un bay sii qaseysaa, waxayna uga sii dareysaa xaalad horay u murugsaneyd,” ayuu yiri.

Kumannaan qof ayaa lagu dilay dagaalka, malaayiin kalena way ku barakaceen.

Gelista gobolka Tigray waa mid aad u xaddidan, wayna adag tahay in laga helo warar madax-banaan oo xaqiijinaya arrimaha ku saabsan dagaalka.

Labo shaqaale oo kuwa gargaarka ah ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay inuu dagaal xoog leh ka socdo xudduudda, hase yeeshee, aysan xaqiijin karin in ciidanka Eritrea ay u soo gudbeen gudaha Tigray.

Toddobaadkii hore BBC Tigrinya ayaa tebisay in Eritrea ay abaabuleysay milateriga keydka ah si ay ugu xoojiso ciidamadeeda.

Ogeysiisyo la xiriira abaabulkaas ayaa laga qeybiyay magaalada caasimadda ah ee Asmara, magaalada labaad ee ugu weyn ee dalkaas ee Keren, magaalada galbeedka ku taalla ee Tessenai iyo meelo kale, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

BBC