Eyga caanka ah ee internetka qabsaday iyo hab dhaqankiisa oo aad loola yaabay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maalmahan rakaabka ku sugan Istanbul waxay isha ku hayaan noole caan ka dhex noqday bulshadaas.

Waa ey ku nool waddooyinka, oo lagu magacaabo Boji, kaas oo jecel inuu ku safro gaadiidka ee magaalada ugu weyn Turkiga.

Wuxuu raacaa basaska, tareenada dhulka hoostiisa mara iyo doomaha.

Qofna ma oga sida uu u bartay nidaamka ku safarka gaadiidka dadweynaha. Laakiin darawal kaxeeya mid ka mid ah basaska korontada ku shaqeeya ayaa sheegay in ay yaqaaniin Boji, sidoo kalena in asluubtiisa iyo akhlaaqdiisa marka uu fuulayo iyo ka degaya baabuurkiisa ay tahay inuu tusaale u noqdo dhammaan rakaabka aadanaha.

Boji waxa uu si joogto ah u kasbaday quluubta dadka deggan Istanbul, isaga oo sidoo kale dad badan ka dhigayay in ay la yaaban yihiin sida uu ula qabsaday caadada safarkan oo kale.

Aylin Erol, oo u shaqeysa Metro Istanbul, ayaa sheegay ka dib markii ay arkeen sawirada Eyga oo lagu faafiyay baraha bulshada, ay go’aansadeen inay ku xiraan microchip si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqiisa saxda ah.

Iyaga oo yaaban, waxay ogaadeen in Boji uu soo maraa ugu yaraan 29 metro stations maalin kasta, wuxuuna gaari karaa masaafo dhan illaa 30km maalintii.

Xitaa waxaa lagu arkay badda isagoo safar ku tagaya jasiiradaha Prince ee ku taala ee ku taala badda Marmara, taas oo duleedka ka ah xeebta Istanbul.

Caannimada sii kordheysa ee Boji waxaa ku lammaan Twitter magaciisa lagu sameeyay.

bogga @boji_ist waxaa ku xiran in ka badan 90,000 oo qof tan iyo markii ciwaankan la furey la Sebtembar.

“Wuxuu garanayaa meesha uu aadayo, wuu yaqaan meesha laga baxo,” ayay tiri Aylin Erol oo ah sarkaalad gaadiidka.

“Waxay la mid tahay inuu ujeedo leeyahay.”