Faah-faahin la helayo Gabar Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Masar.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Alle ha u naxariistee waxaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar lagu dilay Gabar Soomaali ah oo lagu Magacaabi jiray Caasho Abuukar Ibraahim (Abuukar Dheere) oo kamid ahed ardayda wax ka barata Dalkaasi Masar.

Sida wararka lagu helayo Gabadha ayaa waxaa gurigii ay daganeyd ku dhex dilay Muwaadin kale oo Soomaaliyeed, kaas oo ay gacanta ay ku dhigeen Ciidamada Booliska dalka Masar, isaga oo doonayay in uu baxsado.

Maamulka iyo Ardayda Iskuulka Alfaraj oo ay wax ka baratay sidoo kale Aabaheed uu kamid ahaan jiray maamulka Iskuulka ayaa u tacsiyadeeyay Marxuumad Caasho Abuukar Imraahim.

INNAALILAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUN.

Bahda Al-Faraj oo isku duuban waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska iyo Qaraabada ay kabaxday  Drs Caasha Abuukar Ibraahim Hasan   ( Abuukar Dheere) oo ku geeriyootay wadanka Masar oo ay u joogtay diyaarinta Master caafimaad ah.

Waxaan Alle ugu baryeynaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Familka iyo qaraabada ay ka geeriyootayna Samir iyo iimaan Alle ka siyo. Iyada qabriga ilaah ha uga dhigo beer ka mid ah beeraha janada.

Dalka Masar ayaa waxaa kunool Soomaali farabadan oo badi dalkaasi u tegay Waxbarasho, waxaana dhacdadaan dilka ah ay tahay mid ku cusub Soomaalida kunool dalkaasi Masar..