Faah Faahin Laga Helayo Dagaal Xoogan Ka Dhacay Gobolka Bari

GAROWE-AYAAMAHA-Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal xoogan oo Maanta ka dhacay deegaano hoostega degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari.

Dagaalka ayaa sida la sheegay waxaa uu u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.

Barqadii saakay ayuu billowday dagaalka sida ay sheegeen dadka deegaanka, waxaa uuna soo gaaray galab-dhicii galabta, ayadoo maleeshiyaadka ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararku waxaa ay sheegayaan inuu dagaalka uu  salka ku haaya arrimo la xiriira dhul-daaqsimeed cusub oo la doonayay in laga abuuro degmada Isku-shuban.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gaaray ayaa ka dhashay dagaalka, isla markaana waxaa ku geeriyooday Lix ruux, halka in ka badan 10  qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in duhurnimadii Maanta uu xoogaa uu joogsaday dagaalka, hayeeshee galab-dhicii galabta uu mar kale dib u qarxay, kadib markii maleeshiyaadka ay gurmadyo kala heleen.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale waxaa dhacay dagaalo u dhexeeyay maleeshiyo beeleedyo  deegaano hoostega degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, wallow dadaalo lagu guuleystay Colaado halkaas ka jiray.