Faah faahin laga helayo dil ka dhacay Magaalada Beledweyne

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dil kooxo hubeysan ay bartamaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan loogu gaystay askari katirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Magaciisa askariga la dilay ayaa lagu soo koobay Indha-xaraar waxayna goobjoogayaal sheegeen in xilliga la dilayay uu marayay wadada Buula-yacquub ee Xaafada Buundoweyn ee Magaalada Beledweyne, isla markaana raggii ka dambeeyay dilka ay horay u sii qaateen Qoray AK47 ah oo uu watay.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska iyo Millateriga ee kusugan Beledweyne ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka Askariga, waxaa sidoo kale ay sameeyeen howlgallo baaritaano ah wallow aysan dad u qaban dilkaas.

laamaha Amniga & Maamulka Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin dilkaas, iyada oo ay xusid mudan tahay in dhowr jeer lagu dilay Magaalada Beledweyne Askar iyo mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.