Faah faahin Laga Helayo Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Hiiraan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saqdii dhexe ee xalay Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo dagaalyahno hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ku dhexmaray degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa ka dhashay sida aan xogta ku helay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha Jalalaqsi, isla markaana waxaa intaas kadib dhacay dagaal muddo kooban socday.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo labada dhinac soo kala gaaray, sida ay sheegeen dadka deegaanka degmada oo xalay maqlayay dhawaqa rasaasta la is-dhaafsanayay.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahoonka dhinaca qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarka ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti, halka saddex Askari kalena ay ku dhaawaceen.

Magaca Sarkaalka ayey Shabaabka ku sheegeen Kabtan Cusmaan, iyagoona tilmaamay in Meydka Sarkaalka iyo dhaawacyada Askarta diyaarad looga soo qaaday Garoonka diyaaradaha Jalalaqsi, waa sida hadalka loo dhigay.

Al-shabaab ayaa dhowr marar weeraro kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ka fuliyay deegaano iyo degmooyin Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Saldhigyo Ciidan, waxaana dhinacyada halkaas ku dhexmaray dagaalo xoogan.