Faah Faahin Laga Helayo Meydadka Labo Wiil Oo Laga Helay Xaafad Ka Tirsan Beledweyne

MUQDISHO-AYAAMAHA-Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa meydadka laba wiil oo walaalo ahaa ayaa xalay laga helay xaafadda Buunda-weyn ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Labadaan Wiil ayaa laga helay Webiga Shabeelle ee Buunda-weyn, kuwaasi oo shalay lagu waayay biyaha Webiga, xili au ku dabaalanayeen, isla markaana baadi goob dheer kadib la helay iyaga oo Meyd ah.

Labada Wiil ee geeriyooday ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Qaalid Nuur Cadow, iyo Feysal Nuur Cadow, waxaana biyaha Webiga ka qaadeen labadooda Kiliga Waraaballe ee xaafadda howlwadaag ee Baladweyne.