Faah faahin laga helayo wariye lau xiray magaalada Baydhabo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidanka Nabadsugidda ee Maamulka Koonfur Galbeed ay goordhow xireen saddex Wariye oo ka tirsan Ururka Saxafiyiinta Somaaliyeed ee SJS.

Weriye Mohamed Ibrahim Bulbul oo ah Xoghayaha Xuquuqda Aadanaha SJS; Hanad Ali Guled oo ah Xoghayaha Tababarrada SJS; iyo tababare saxaafadeed Maxamed Bishaar ayaa laga qabtay gudaha garoonka diyaaradaha ee Baydhabo xilli ay safar u soo ahaayeen magaalada Muqdisho saaka oo Arbaco ah.

War kasoo baxay Ururka JS ayaa lagu sheegay in Saraakiil ka tirsan Taliska Nabadsugidda KGS oo sida la sheegay ka amarqaata xafiiska Madaxweyne Laftagareen ay saddexda weriye ku qaateen baabuur nooca dusha ka furan (Cabdi Bile).  Welina aan la ogeyn halka loo qaaday.

“SJS waxay cambaareyneysaa falkan sharci darrada ah ee ka dhacay garoonka Baydhabo saaka ee lagu beegsaday hawl-wadeennada Somali Journalists Syndicate – SJS.  Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah lagu siidaayo saddexda hawl-wadeen ee sharci darrada ku xiran.