Faah faahin laga heleyo dagaal xoogan oo ka dhacaday Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Israsaaseyn xoogan oo socotay muddo oo Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmartay Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Israsaaseynta dhexmartay Ciidamada dowladda ay ka bilaabatay mudan la xiriira Lacag laga qaado gaadiid laga raro Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay israsaaseynta oo soo kala gaaray labada Ciidan iyo dad shacab ah oo goobta ku sugnaa, waxaana la xaqiijiyay inay ku dhinteen saddex qof oo mid Haweeney ay tahay, halka qof kalena uu dhaawacmay.

Inta ay socotay Israsaaseynta dhexmartay Ciidamada dowladda ayaa waxaa istaagay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, waxaana muuqaalo la duubay lagu arkayay dadka oo halkaas isaga kala cararaya.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka SOomaaliya oo ay uga hadlayaan israsaaseyntii ka dhacday Isgoyska Ex-koontarool Afgooye, taas oo ka bilaabatay muran ku saabsan lacago laga qaado Gaadiid Isgoyska laba raro.