Faah faahin: Qarax Ismiidaamin dhalinyaro badan ku dhinteen oo caawa ka dhacay Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin oo caawa ka dhacay maqaayada Gelato Divino ee ku taal wadada aada garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in illaa 7 ruux ay ku geeriyoodeen qaraxa, kuwaasoo u badnaa dhalinyaro caan ka ahaa magaalada, sidoo kale tiro kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Qof xirnaa jaakadaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaayada banaankeeda oo ay fadhiyeen dhalinyaro badan oo ku caweynayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay uu lugeynayay, dabadeedna uu isku qarxiyay dadkii maqaayada banaankeda fadhiyay.

Qaraxyada muddooyinkan ka dhacayay Muqdisho ayaa ahaa mid ismiidaamin oo ahaa qof waxyaabaha qarxa isku xira, iyadoo maalmo ka hor sidan oo kale maqaayad ku dhow Dugsiga Tababarka Booliska Jen. Kaahiye uu qof isku qarxiyay ku dilay illaa shan ruux.