Faah Faahin:-Qaraxyo Lagu Burburiyay Ceel Biyood Ku Yaala Bacaadweyne.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saqdii dhexe xalay laga maqlay jugta qaraxyo xoogan oo loo maleynayo inay ahaayeen kuwo miino ah.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwo lagu burburiyay Ceel-Biyood ku yaal duleedka degaanka Bacaadweyne, isla markaana falkaasi ay ka dambeeyeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in Ceelka ay Al-Shabaab ku xireen qaraxyo miino, sidaasina uu ku burburay, waxaana Ceelkaas Biyaha ka cabi jiray dadka ku nool tuulooyinka u dhow dhow degaanka Bacaadweyne.

Lama oga sababaha keenay in Al-Shabaab ay Ceelka qaraxyada ku burburiyaan, hayeeshee waxaa xusid mudan in degaanka Bacaadweyne uu dhowr jeer ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, kaas oo u dhaxeeyay dadka degaanka & Al-Sahbaab.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo Maamulka Gobolka Mudug oo ku aadan qaraxyadii xalay lagu burburiyay Ceel biyoodkaas.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ka geysta deegaanada dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.