Faah faahinta Qaraxa:-Maxaa ka jira in qaraxii maanta lala eegtay Gudoomiye ku xigeenka Amniga G/Banaadir?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar lagu faafiyey baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Gudoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir uu ka badbaaday Qaraxii ismiidaaminta ahaa maanta ka dhacay Muqdisho, xili uu maraayey waddada Jeyga ee Waaberi, shanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Warkaan looma haayo wax cadeyn ah, kamana hadal Guddoomiyaha.

Dhanka kale warar lagu kalsoonankaro ayaa sheegaya in qarxa lala eegtay kolonyo ay wateen Saraakiil ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana la qarxiyey, xili ay marayeen wadada Jaayga.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray Ciidamo farabadan oo ilaalo u ahaa shaqaalaha UN-ka iyo dad shacab ah oo xiliga uu qaraxu dhacaayay wadada marayey, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen 5 ruux oo isugu jira Askar iyo dad shacab ah, halka tirro kalena ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana dadka dhaawacmay oo u badnaa Askar loola cararay Xarumo Caafimaad.

Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxaas Is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday kolonyo ay wateen Saraakiil ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.