Faahfaahin kasoo baxaysa Macalin xaaskiisa “Sun” ku dishay Beledweyne

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Dhacdo aad u xanuun badan oo Dadka degaanka fajac iyo argagax ku abuurtay ayaa xalay ka dhacday Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii Macalin Dugsi Quraan oo si weyn looga yaqaannay Magaaladaasi ay xaaskiisu Raashiinkii xiligii cashada ay ugu dartay sun, sida dadka degaanku ay soo wariyeen.

Dhacdadaasi ayaa ka dhacday xaafadda Xaawa-taako ee magaalada Beledweyne, waxaana la sheegay in Macalinka oo lahaa Dugsi Qur’aan uu sababsaday gacanta xaaskiisa oo la sheegay in ay Sumeysay, iyadoo ilaa hadda arrintaasi ay dadweynaha Magaaladaasi ay hadal hayaan.

Marxuumka ayaa lagu Magacaabi jiray Cumar Macalin Maxamed, lamana oga sababta rasmiga ah ee Xaaskiisa ku qasabtay in ay Sumeyso Macalinka, oo la sheegay in Muddo kooban ay wada joogeen.

Ciidamada ammaanka Beledweyne ayaa gacanta ku dhigay haweenaydaan ninkeeda dishay, sababta ay u dishay ilaa iyo hada war lagama haayo.

Macalinka la dilay ayaa la sheegay in u Dhawaan Guursaday Gabadha Suunta ugu Dartay Raashinka waana dhacdo layaab leh.