Faahfaahin kasoo baxaysid shiikh Soomaaliga ah oo meydkiisa laga helay dalka Maraykanka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Alle ha u naxariistee waxaa xalay meydkiisa la helay Sheekh Maxamed Xasan Aadan oo ahaa imaamka masajidka Abuu Hureyra ee magaalada Colombus ee dalka Maraykanka, sidoo kalena ahaa Xoghayaha Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika ee Ayanna.

Imaam Sheekh Maxamed Xasan ayaa laga waayay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Columbus Ohio Arbacadii, sida ay sheegeen qoyska iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed.Baadhitaano socday ku dhawaad 48-saacadood kadib ayaa dad xog ogaal ah u soo sheegeen dad madaxbannaan oo ka tirsan bulshada magaaladaas oo si mutadawanimo ah u baadhayey in Sheekh Maxamed ay gaarigiisa ka heleen isgoyska Joyce iyo wadada 17-aad ee dhanka Waqooyi ee magaalada Columbus Ohio.

Baabuurka dhexdiisa ayaa laga helay meydka Imaamka la la’aa ee Sheekh Maxamed Xasan oo ay ku yaalaan dhowr xabbadood oo jidhkiisa ah.

Dadkii ayaa wacay 911 iyo Adeegga deg degga ee Columbus oo soo gaadhay goobtii.

Waxaana meeshii isugu soo baxay Soomaali badan oo ka dhiillaysan xaaladda.

Waxaana baraha bulshada laga arkayey qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee halkaasi oo ku baaqaya in la isusoo baxo.

Sheekh Cabdalla Abul-Fadli oo ah imaamka masjidka Al-sunna ee magaalada Saint Paul isla markaana ay Sheekh Maxamed Xasan saaxiibbo dhow ahaayeen ayaa BBC-da u sheegay in goobtii laga helay maydka ay weli xidhan tahay booliska baadhista gacanta ku hayaana aanay weli wax faahfaahin aysan bixin.

“Argtida hore waxaa soo arkay nin walaalaha ka mid oo raggii baadigoobka ahaa ka mid ah ayaa arkay oo dul istaagay baabuurkashiikha oo uu yaqaannay, kaddib booliska ayuu wacay oo meesha yimi, illaa haddana meesha waa xidhan tahay booliiska iyo haayadihii wax baadhayey ayaana jooga meesha” ayuu yidhi Siikh Cabdalla oo ay is yaqaanneen shiikha dhintay.