Faarax Macalin Oo Dowladda Somalia Ku Dhaliilay Dib U Soo Celinta Xiriirka Kenya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka dowladda Kenya, kana mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee dalkaasi Faarax Macallin Dawaar oo ka hadlay tillaabadii ay dowladaha Soomaliya iyo Kenya ay dib ugu soo celiyeen xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada waddan.

Faarax Macallin ayaa u sheegay in uusan waxba iska bedelin faragelintii Kenya ku heysay dowladda Federaalka, isla markaana Soomaaliya looga baahnaa in aysan markii hore ku degdegin inay jarto xiriirka Kenya.

Waxaa uu Faarax Macallin Dawaar ku dhaliilay dowladda Federaalka Go’aanka ay dib ugu soo celisay xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya, iyada oo weli waxba iska bedelin faragelintii ay cabashada ka qabtay, isagoona tallaabadaas ku tilmaamay nasiib darro.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya, kana mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee dalkaasi ayaa sheegay in cid kasta oo ka qeyb qaadatay dib u soo celita xiriirka labada dal ay arrintaas ku tahay sharaf darro, waa sida uu yiri.

Isaga oo sii hadlaayay Faarax Macallin Dawaar ayaa waxaa Carabka ku dhuftay in meel kasii daran ay gaartay faragelintii Kenya ku heysay dowladda Soomaaliya, isla markaana dowladda Federaalka looga baahnaa markii hore aysan markii hore ku degdegin inay jarto xiriirka.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhawaan dib u soo celiyay xiriirkii ka dhexeeyay oo muddo bilx xumaa, waxaana bilo kahor dib usoo celisay Dowladda Qatar, hayeeshee waxaa uu xumaaday markii Kenya joojisay duulimaadyadii uga imaanayay Muqdisho, wallow ay dib u fasaxday.