Fadeexad culus:-Haweeney Banaanka soo dhigtay guri dowladeed oo ay siiyeen Farmaajo, Kheyre iyo Cumar Filish.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar  Filish ahna Duqa Muqdisho ayaa xalay Muqdisho ku dhigtay xafladda sanad guuradiisii Saddexaaad taa oo dad kala duwan ay ka soo qeyb galeen.

Dadkii lagu casuumay xafladda waxaa kamid ah maamo Maryan oo hormuud u aheyd barnaamijkii isxilqaan ee lagu dhisay xarumo badan oo dowladeed ayaa sheegtay in Gudoomiyaha Gobalka Banaadir uu siiyay Guri dowladeed iyo lacagtii ay ku dhisan laheyd.

Maamamada ayaa ka sheekeysay sida guriga lagu siiyay iyadoo sheegtay in guriga lagu siiyay fadhi ka dhacay madaxtooyada oo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee Kheyre ay goobjoog ahaayeen.

“Madaxweyne Maryan 700$ ay qaadataa guri ijaarna wey ku jirtaa, 500$ ijaar ayaa uga baxdo, isxilqaan ayey ku jirtaa hadana meel halis ah ma dagi karto” Sidaas waxaa madaxweynaha ku yiri Ra’isul Wasaarihii hore ee Kheyre.

Wasiirkii howlaha guud ee xiligii Kheyre ayaa guriga soo raadiyay waxaana uu u sheegay Cumar Filish in guri uu soo helay isagoo markii dambe guriga usoo dhiciyay maamo Maryan waxaana uu siiyay lacagtii ay ku dhisan laheyd sida ay fagaaraha ka sheegtay.

Intii hadalkan ay waday ayaa qof kamid ah dadka sida dhaw ula shaqeeya Cumar Filish soo istaagay waxaana laga dalbaday iney arrintan ka hadlin laakiin maamada oo Makrafoonka heysatay wey ku adkeysatay iyadoo warkeeda dhameesatay una mahad celisay hantida Qaran ee Cumar Filish uu siiyay.

Arrintan ayaa ah fadeexad weyn oo hoosta ka xariiqeysa in dhulka dowladda la siiyo shaqsiyaad iyadoo aan wax sharci ah loo marin.