Fahad Yaasiin “Mahad Salaad Lama shaqeysto Al Shabaab ee xitaa wuu u shaqeeyaa”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimihii hore ee Nisa Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Agaasimaha cusub ee Nisa Mahad Salaad uu yahay Shaqaale u shaqeeya Al Shabaab.

“Mahad Salaad Lama shaqeysto Al Shabaab ee xitaa wuu u shaqeeyaa. 10 ilaa 8 sano ayuu shaqaale u ahaa. Dambiyada dalkaan ka dhacay oo waaweyn ayuu qeyb ka ahaa Mahad Salaad. Wuxuu xitaa isku dayay inuu dilo Ra’iisul wasaare hore. Qorshahaas markaan ogaaday ayan wacay Ra’iisul wasaarihii, waxaana ku iri Mahad Salaad miyaad kulan la leedahay. Haa ayuu igu dhahay. Kadib waxaan ku iri Iska jooji ninkaas xaalad amni daro darteed. Xogtaas aan ogaaday darteed ayuu Ra’iisul wasaarahaas ku nool yahay maanta”

Fahad Yaasiin oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waanka naxay in ninkaas loo magacaabay xilka Nisa. Xitaa Madaxweynaha cusub Xasan Shiiq warqad ayaan u qoray inuu Mahad Salaad u dhiibin xilkaas. Lakin si saxibtinimo ah ayuu ugu dhiibay. MahadSalaad Waa Al Shabaab. Aamin ama ha aaminin. Waana nasiib daro aad u weyn. Amnigana Muqdisho wuxuu noqon doonaa mid lagu kala cararo waad arki doontaan”.

Hadalka Fahad Yaasiin ayaa dood badan ka dhex abuuray baraha Bulshada, wuxuuna shaki geliyey in daawadaan farabadan oo daawanayaa wareysigaas uu bixiyey Fahad Yaasiin.