Fahad Yaasiin oo bixiyey wareysi xasaasi ah kana hadlay hogaanka cusub ee NISA

MUQDISHO-AYAAMAHA-Fahad Yaasiin Daahir, gacanta midig ee Farmaajo oo Xasan Sheekh ku dhaliilay in uu Mahad Salaad madax uga dhigay NISA, ayaa rumeysan “in uusan u magacaabeen haddii uu aqoon u lahaan lahaa Mahad”.

Fahad Yaasiin ayaa kasoo horjeestay in Mahad Salaad lagu aamino xilka culus ee Nisa.

“Madaxweyne Xasan Sheekh aqoon uma lahan Mahad Salaad. Haduu aqoon u lahaan lahaa uma dhiibeen xilka Taliyaha Nisa”

“Saraakiisha Hay’adda Nisa waxaan u sheegayaa qofka xog iyo sir Qaranku leeyahay, la wadaaga Taliyaha Cusub (Mahad Salaad) wuxuu la mid yahay qof sirtii qarankiisa la wadaagay Cadowga waddanka iyo Argagaxisada”

Sarkaalka nabad-sugida Soomaaliya ka tirsan ee sir qaran la wadaaga taliyaha cusub ee la magacaabay waa qof sirtii qaranka u dhiibaya qofkii laga ilaalinaayey,” ayuu yiri Fahad oo bixiyey wareysi dhinac u jaranjeera.

Wareysiga oo si toos ah aan wali loo baahin balse lasoo bandhigay nuqulo kamid ah ayuu uga hadlayaa arrimo ay ugu muhiimsan yihiin kiiska Ikraan Tahliil, askarta loo diray Eritrea iyo masiirka kooxda uu horjoogaha u ahaa sanadihii dambe.

Ciidamadda tababarka loogu diray Eritrea ayuu si cad u sheegay in aysan ka qeybgelin dagaalka gobolka Tigray. Hadalkan wuxuu ku burinayaa sheegasho ka timid mucaaradka hada talada qabsadey ee ku aadan in ay tageen ismaamulkaas.

Siyaasadii maamulkii Farmaajo kula macaamilayay maamul goboleedyadda gaar ahaan Puntland iyo Jubaland kuna saleysaneyd burbruinta nidaamka federaalka ayuu si indho la’aan ah u difaacay.

“Heer waxay gaartey iyada oo ay fadhiyaan saraakiil Kenyan ah aan dhaho Axmed Madoobe u sheega madaxwaynihiisu waa Farmaajo ma ahan Uhuru Kenyatta,” ayuu xusay. “Puntland way ku khasaartey xiriirka ay la samatay Jubaland”. Intii uu jiray nidaamkii Farmaajo, Qadar oo xiriir dhow la leh Fahad Yaasiin ayaa taakulo dhaqaale ku bixineysay meelmarinta

ajandayaasha guracan “balse maxay hadda iga dooneysaa ma anigaa madax ka ah Soomaaliya?,” ayuu tibaaxay.

Dhawaqa Fahad ayaa kusoo beegmayaa xilli la filayo in Xasan Sheekh Maxamuud loo caleema-saaro Khamiista berri ah xilka madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya. Wareysiga uu xilligan bixiyey waxaa su’aal geliyey falanqeeyeyaal kala duwan.