Fahad Yaasiin oo carqalad weyn kuhaya Guddiga doorashada Hirshabelle ee Heer Federaal.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddiga doorashada heer Dowlad Goboleed ee Hirshabelle ay maalintii afaraad isku haya habraacyada guddi hoosaadka, awoodaha iyo mas’uuliyadda Xogheynta, iyadoo Guddigan uu illaa hadda leeyahay Guddoomiye iyo Kuxigeen.

Xog hoose ayaa sheegaysa inay jirto faragelin bannaanka ah oo ku saabsan meel marinta awood xad dhaaf ah oo loo sameynayo Xogheynta Guddiga oo aan weli la magacaabin, afar jeer oo Guddiga kulmay la isku fahmi waayay mas’uuliyadda Xogheynta, isla markaana la wareego awoodda Guddoomiyaha.

Arrinta ugu weyn ee ka dhex taagan Guddiga ee uu qarka u saaran yahay inuu La Guddoomiyeyaal yeesho ayaa sabab u noqon karta haddii uu fulo qorshaha ka socda dhanka Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo la siiyo awoodda Mas’uuliyadda Xogheynta, maadaama uu u socdo Kursi Xildhibaan, sidoo kalena xubinta noqoneysa Xogheynatana ee awoodda dheeraadka loo sameynayo uu isaga wato.

Arrintaa ayaa dib u dhac u keeni karta doorashada xildhibaanada labaa Aqal ee HirShabeelle laga soo doorto, waxaana laga yaabaa in HirShabeelle ay noqoto maamulka ugu dambeeyo ee doorashada, sababo la xiriira in Fahad Yaasiin doonayo inuu koraas badan ka boobo Maamulkaas.