Fahad Yaasiin oo maanta daaha ka rogoy xogta askartii loo qaaday Eretriya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji  Daahir oo su’aalo laga waydiiyey ciidamadii Soomaalida ahaa ee tababarka loogu qaaday dalka Eretriya ayaa sheegay inay ciidamadaas sax yihiin oo ay ku maqan yihiin dalkaas.

Fahad oo diiday inuu tirada ciidamadaas sheego ayaa xusay in ciidamadaas ay dowladda Soomaaliya u dirtay inay soo qaataan tababar isla markaasna ay dhawaan dalka kusoo laaban doonaan.

Fahad Yaasiin oo wax laga waydiiyey sababta ay u doorteen in ciidamada loo qaado dalka Eretariya iyadoo la heli karo dowlado kale ayaa yiri “ horta adiga markaad baahi qabtid cidda ku siineyso ayaa laga qaataa, anaga baahida aan qabnay waxay aheyd in ciidamo naloo tababaro, marka dowladihii kale ee ciidamada noo tababarayey ma aqaan waxay ay Eretariya uga duwan tahay,”.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray “ Eretariya waxay kamid tahay dowladaha bixiya tababarada ugu wanaagsan, weliba ciidamada aan geynay waxay siisay tababarkii ugu wanaagsanaa”.

Mar waxa laga waydiiyey waxyaabaha ciidamadaan loo tababaray ayuu yiri “ waxaa loo tababaray qeybaha kala duwan ee ciidamada Militariga, waxaa lagu tababaray hub kala duwan, waxaa loo tababaray jir ahaan, waxay noqon doonaan hanta ay ummadda Soomaaliyeed sanado badan u aayi doonaan”

Fahad Yaasiin ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in ciidamadaas ay ka qeyb qaateen dagaaladii ka dhacay dalka Itoobiya ee u dhaxeeyey dowladda dhexe iyo Tegreega.

“ Waxaa ka xumahay inaan warkaas dhaho, waxaa arrintaas faafiyey Tegreega iyo kuwa u shaqeeyo ee Soomaaliya jooga, waxaa jiro siyaasiyiin Soomaali ah oo Tegreega u shaqeeya, ma ii sheegi kartaa waxa Itoobiya oo 100 Malyan ah uga baahan tahay ciidamada Soomaaliya, hal habeen ayey qortaa boqolaal kun oo askar ah, waa wax caqliga ka hor imaanayo in la dhaho Itoobiya ayaa u baahan tahay dhowr kun oo ciidamo Soomaali ah oo tababar loo sameenayey” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Wuxuu intaas kusii daray “ Waxaan xaqiijinayaa ma jiro hal askari oo ciidamada dowladda ee tababarka u joogo Eretariya oo ka qeybgalay dagaalka Itoobiya, xataa ma jiro hal askari oo ka baxay xirada tababarka oo aaday magaalooyinka kale ee Eretariya”.

Ugu dambeyntii Fahad Yaasiin ayaa sheegay inay la fadhiisteen waalidiinta ilmaha loo qaaday Eretariya, wuxuuna sheegay inay mar kasta la hadlaan ilmahooda.