Falcelin ka dhalatay soo dhaweyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Nairobi.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo berri uga qeyb galayo caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Madaxweynaha oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Caleemo-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa ka dhacaya garoonka weyn ee Kasarani oo ku yaalla magaalada Nairobi, waxaana ka soo qeybgalka xafladaan dhaarinta ah diiday ninkii sida weyn ugula loolamay xilka madaxtinimada dalkaas.

Baraha bulshada ayaa aad looga hadal haayey soo dhaweynta madxweyne Xasan Sheekh inay aheyd mid ka hooseysa qaabka ay madaxda kale ee caalanka loogu soo dhaweyey Magaalada Nairobi.

Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Nairobi waxaa la filayaa inuu shir doceed la qaato Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ka mid ah Madaxda ka socota Afrika ee ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweynaha Kenya.