Falcelin la yaab leh oo ka dhashay safiirka cusub ee Sacuudiga usoo magacaawday Soomaaliya..

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa barteeda Facebook ku baahisay sawirada Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomaya safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa si yaab leh oo laga naxo uga falceliyey kulan maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo looga guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sucuudiga.

Dadka ka falceliyey ayaa muujiyey sida aysan ugu qanacsaneyn safiirka cusub ee dowladda Sacuudiga ay u soo magacowday Soomaaliya, marka loo eego dhanka midabkiisa oo uu yahay nin madow ah, ayaga oo hadallo cunsurinimo ah kula kacay.

Hoos ka akhriso falcelinta.

Mohmed A. Gobsheelan: Sucuudigu bahdilka intaa le’eg maxay noogu wadaan, maxay nin caraba noogu soo magacaabi wayeen, kan sanka baaquligaa leh uma bogine!.

Sharif Fiqi: Waxan madawga badan Sacuudi Carabiya wanaag nooguma soo dirin, waa ihaano qof kaan xitaa diplomat-ka maha waa kuwa suuqa ka tuugsada.

Zakarie Abdullahi Dahir: Sacuudiga nin cad oo caraba ma nagu aamini waayey, anaga african maahine.

Abdinoor A. Warsame: Yeeli mayno nin carab ah ha keenaan hadii kale hana-gala tageen awalba Mareykan Chinese ah noo keeneen.

Omar Muhumed: Xitaa South Sudan uma dirin Safiirka madow ah hadane Carab Sacuudiyan ah.

Canshuur Canshuur: Kan madow maxay nagala soo dooneen may mid carab ah noo soo diraan waanba ka shakiyee amuu Suudaani yahay.

Abdullahi Fatah: Sucuudi beel ee, na dhaha Safiirki Sudan weeye!.

Dayax Diin: Carab Soomaaliya faa’iido uma hayso.