Farmaajo Dowladnimadii Ma wuxuu ka doortay Dantiisa gaarka ah iyo Badbaadinta Saaxiibkiis Fahad?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wajahay xaalad adag oo ku saabsan inuu kala doorto Danta Qaranka iyo Danihiisa Shaqsiga ah kadib tallaabadii Ra’iisal Wasaaraha shaqada uga joojiyey Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji.

Shaqo ka eryida Ra’iisal wasaare Rooble ee Agaasimaha NISA, ayaa ka timid Kiiska sarkaalad ka tirsaneyd NISA oo la waayay, kadibna la shaaciyey inay Alshabaab dileen, waxaana kiiska oo tuhun badan dhaliyey lagu eedeeyay Hay’adda NISA. Wareegtada Rooble ayaa Fahad Yaasiin ku eedeysay inuu ku milmay arrimaha siyaasadda iyo inuu iska dhega tiray amarkii Ra’iisal wasaaraha. (Akhriso Wareegtada Rooble)

Farmaajo waxaa saacado kooban soo maray inuu kaladoorto laba go’aan oo kala darran, kuwaasoo kala ah inuu saaxiibkiis Fahad difaaco, isla markaana danihooda shaqsi ah u istaago iyo inuu noqdo nin Qaran oo dowladnimada iyo danta guud xeeriyo:

1- HADDII UU AQBALI LAHAA SHAQO KA ERYIDDA FAHAD YAASIIN

Haddii Maxamed Farmaajo ogolaan lahaa shaqo ka joojinta Ninkii gacantiisii Midig ahaa iyo madixii ololaha dib u doorashadiisa ee Fahad Yaasiin, waxay ka dhignaan tahay inuu sharaf iyo dowladnimo doortay, halkaasina kusoo dhammeeyay ku takri falkii awoodeed iyo u hiilinta dhibane Ikraan Tahliil.

Waxaa halkaasi ku dhammaan lahaa xukunkiisii afarta sano iyo dheeraadka socday ee Soomaaliya u horseeday qalalaasaha siyaasadeed ee dhinac kasta saameeyay, wuxuuna dalku geli lahaa Doorasho ka gudbineysa xaaladda kala guurka ah ee daba dheeraaday.

Maxamed Xuseen Rooble wuxuu noqon lahaa mas’uul isku haya xilalkii Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaare, waxaana dhici lahayd in la isku dayo dib u soo celinta sumcadii hay’adii Sirdoonka ee NISA ee Rijiimkii Farmaajo ka dhigay mid shaqsi u adeegta, mar kasta ku jirta fadeexado waaweyn oo ay ugu danbeysay afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil.

Waxaa dadaal lagu bixin lahaa sidii cadaalad loogu heli lahaa arrinta Ikraan Tahliil, waxaana mar kale imaan lahaa isla xisaabtan iyo inay dadku dareemaan dowladnimo.

2- HADII UU DIIDAY SHAQO KA JOOJINTA AGAASIMAHA NISA

Sidii la filayey waxaa dhacday inuu Farmaajo ka hor yimaado go’aanka shaqo ka joojinta Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil (Halkan ka akhriso). Tani waxay keeneysaa inuu dhabarka u rito kiiskaas iyo shakiga ka dhashay, wuxuuna tuhunka la qeybsanayaa saaxiibkiis Fahad Yaasiin.

Diidmada uu Farmaajo ka horkeenay talaabada Ra’iisal wasaare ka qaaday Agaasimihii NISA waxay dhalineysaa qalalaase siyaasadeed oo halis ku ah Doorashooyinka dalka ka socda, waxaana abuurmaya xiisado mar kale xaaladda dalka dib ugu Celin kara iska hor imaad.

Waxay dad si cad u wada arkayaan inuu Farmaajo dowladnimada iyo Qaranimadii ay kala weynaatay badbaadinta saaxiibkiis Fahad, waxaana jawaab uga baahanaya su’aalo badan oo ku xeeran kiiska Ikraan Tahliil sida: Sababta uu uga hadli waayey ama kiiskan u faragelin waayey inta aysan arrinta heerkan soo gaarin iyo sababta uu ku doortay inuu difaaco shaqsi ee dantii guud u arki waayhy?!.

Haddiiba dalka ka badbaado isku dhac iyo qalalaasaha dastuur ee uu mar kale galo, waxaa Farmaajo lagu xusuusan doonaa madaxweyne lagu hungoobay oo dalka dib u celiyay oo laba jeer halis u geliyay inuu ku laabto xaaladii laga keenay 20 sano ka hor.