Farmaajo iyo Golaha Wadatashiga Qaran ma isla ogyihiin in doorashada dib loo dhigo?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal kasoo baxay Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay walaac xooagn ka muujiyeen dib u dhaca markale ku yimid doorashada Soomaliya.

Jadwalkii ugu dambeeyay ee la soo saaray oo aheyd in 10-ka Octoober oo shalay ku beegneyd la doorto Madaxweynaha Soomaaliya balse ma dhicin.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in dib u dhaca doorashada ay sababtay in dalka uu galo firaaq dastuuri ah & xaalad hubanti la’aan ah, taas oo saameyn taban ku yeelatay xasiloonida, dhaqaalaha & amniga dalka.

Midowga Musharaxiinta ayaa horey waxay Madaxweyne Farmaajo ugu eedeeyeen in doorashada uu dib u dhigay balse waxaa la ogeyn in Golaha Wadatashiga Qaran ay ayagana dhankooda qeyb ka yihiin dib u dhaca doorashada.

Sidoo kale Midowga musharixiinta waxaa ay sheegeen in ay ka xun yihiin in tiro saddex jeer ah dib looga dhacay  jadwalka doorashooyinka ee lagu heshiiyay , iyadoo aan shacabka Soomaaliyeed loo caddeynin sababaha keenay dib u dhaca.

“ Goluhu wuxuu dareensinayaa Golaha Wadatshiga Qaran in ay mas’uuliyad ka saarantahay in ay shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadda xaq ugu leeyihiin in ay si daahfuran ula wadaagaan sababaha kallifay in doorashooyinku ay dib uga dhacaan xilliyada loo muddeeyey aya lagu yiri” Qoraalka Midowga Musharixiinta.