Farmaajo iyo Rooble markale qorsheynaya khilaaf sababi kara dib u dhaca doorasho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa mar kale gorada is-daray, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in labada mas’uul ee ugu sareeya dalka ay isku qabteen is-bedelka uu xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka uu ku sameeyay wasiirka koowaad ee xukuumada xilgaarsiinta.

Rooble oo masuul ka ah daadihinta nidaam doorasho kaasoo lagu wadda qanci karo natiijadda kasoo baxda ayaa ceyrinta xubnahaas wuxuu u cuksadey in ay ku milmeen is-qabqabsiga siyaasadda.

Wararka dheeraad ah ee khuseeya qadiyaddan ayaa intaas ku daraya in Madaxtooyadda Soomaaliya oo aad uga carootay talaabadda Rooble ay qaadey talaabooyin ay uga aargudaneyso.

Taliyaha ciidamadda badda, Cabdixamiid Maxamed Dirir, ayaa todobaadkan wuxuu shaaca ka dhigay in Rooble uu ka dambeeyo dhul-boob lagu bilaabay dhisme uu ciidanka badda ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhiga Xasan Xuseen Xaaji oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa dalbadey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo eedeynta Jeneraal Dirir taasoo xafiiska Rooble uusan wali ka jawaabin.