Farmaajo iyo Rooble oo ku heshiiyey in xilka laga tuuro Cumar Filish balse waa la diiday.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudduumiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Caasimadda, Cumar Maxamed Maxamuud, ‘Finish’ ayaa shalay ka badbaaday xil ka qaadis, kadib markii ay ku hagoogteen siyaasiyiin, madaxweyne Maamul-goboleed iyo odayaal dhaqan oo ku dhow Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta.

Xogaha caddeynaya in Cumar Finish, uu shalay ka badbaaday shaqo ka raacdeyn, waxaa ka mid ah, in Ra’iisul Wasaaraha XFS, uu magacaabay guddi heer Wasiir ah oo qaabilsan ilaalinta iyo ka hortagga in la masuqmaasuqo dhulalka danti guud, taas oo lagu xoojinayay wareegto hore uga soo baxaday Farmaajo, oo si dadban Finish ugu socotay.

Madaxweynihii muddadu ka dhamaatay Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa isla ogaayeen raacdada guddoomiyaha, isla-markaana ka heshiiyeen shaqsiga lagu badelayo.

Hayeeshee, arrimaahaas oo dhan ayaa dhanka kale isku rogay daqiiqadihii ugu danbeeyay, kadib markii ay Duqa Caasimadda, ku hagoogteen, siyaasiyiin degaanka ah iyo odayaal dhaqan oo isaga ku heyb ah, si dhowna ula shaqeeya Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen ‘Guudlaawe’,  ayaa dhankiisa waqti badan ku bixay in laga baaqsado xil-ka qaadista Cumar Finish, wuxuuna arrinkaas u maray Farmaajo oo ay saaxiibo dhow yihiin.

Cumar Maxamed Maxamuud, wuxuu ka mid ahaa laguna xasuusan doonaa hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho gubay, Farmaajo, oo lahaa dano siyaasadeed, ayaana xilka guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay bishii August 2019, kadib geeridii AUN, guddoomiyihii ka horreeyay Cabdiraxmaan Yariisow.