Farmaajo iyo Rooble oo ku loolamaya hogaanka guddoonka doorashooyinka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble wasiirka 1aad ee xukumadda ayaa ku loolamaya cida noqonaysa gudoomiyaha FEID oo maanta lagu dooranayo magaaladda Caasimadda ah Muqdisho ka dib markii 25 December xilka lagu tuuray gudoomihii hore ee guddiga Maxamed Xasan Ciro.

Xubno ka socda Xafiisyada Rooble iyo Farmaajo ayaa ku sugan hotelka decale oo ay codaynto ka dhacayso sida ay sheegeen xubin ka mid ah guddiga doorashooyinka heer Faderaal.

“Xubnaha ugu cad cad in ay ku soo baxaan doorashada waa Cabdiraxiim Cabdicasiis iyo Muuse Geelle oo kala wataan Farmaajo iyo Rooble” ayuu Garowe Online u dusiyay mid ka mid ah xubnaha FEID oo diiday in aan xigano magaciisa.

Xubnaha xafiiska Farmaajo iyo Cabdicasiis Laftagareen ayaa u ololeenayo inuu tartanka guddoomiyaha guddiga doorashada kusoo baxo Cabdiraxiim Cabdicasiis, waxayna gudaha guddiga ka wadaan olole xooggan si ay guusha iyaga u raacdo.

Dhanka kale, Xafiisa Rooble iyo xulafadiisa ayaa waxay wataan musharax Muuse Geelle waxa ayna dadaal ugu jiraan in ay ku qanciyaan xubnaha guddiga in ay isaga doortaan sida laga soo xigtay shaqsiyaadka ku howlan codaynta maanta ka dhacaysa Muqdisho.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxay in uu tartanka doorashada isaga haray Cabdi Xiis Udun oo uu watay madaxweyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe kadib codsi uga yimid dhanka xafiiska Rooble.

FEIT ayaa laf-dhabar u ah hagista doorashada golaha shacabka oo loo qorsheeyay in lagu dhammeystiro 40 Cishe oo ka billaabaneysa 15ka Janaayo 2022 waxaa laga sugayaa dardargelinta dardar galinta howlaha doorashooyinka iyada oo deeg bixiyaashu ku baaqayaan doorasho aan dib u dhac lahayn.