Farmaajo oo aad u soo dhaweeyay in Somali & Itoobiya ay Jaadka iyo Kalluunka isku weydaarsadaan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay isla markaana bogaadiyay ganacsiga dalka Ethiopia loogu iibgeynayo kalluunka lagana soo iibsanayo jaadka ama qaadka.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ayaa xafiiskiisa kula kulmay Wasiirrada Wasaaradaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdullahi Bidhaan Warsame, Gaadiidka iyo Duulista Hawada Durraan Axmed Faarax isagoo uga mahadceliyay tallaabada ay ku dhaqaaqeen ee ah in dibadda loo iibgeeyo kalluunka laguna soo bedesho jaadka laga isticmaalo dalka gaar ahaan caasimada dalka ee Muqdisho.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ayaa bogaadiyey suuqa ganacsi ee u soo kordhay kalluumaysatada Soomaaliyeed, waxa uuna xaqiijiyey in la joogo waqtigii aynu kula tartami lahayn dalalka gobolka waxsoosaarka gudaha dalkeenna.

Maamulaha Shirkadda dhoofisay Kalluunka loo iib geeyey Itoobiya ee qeybta ka ah is-dhaafsiga dhaqaale ee Labada dal Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) oo kulanka ka qeyb galay ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalka mudnaanta ay siinayaan xal u helista caqabadaha ku xeeran ganacsatada Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso suuq-geynta heer gobol iyo jaangooynta fursadaha.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Durraan Axmed Faarax ayaa sheegay in fursadaha iskaashiga ganacsi ee dalalka dariska ah ay barbar socdaan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isu dheellitirka ganacsiga aan la wadaagno dalalka dariska ah iyo xoojinta wax-soosaarka, taas oo suurta gelinaysa in dalagyada iyo wax-soosaarka dalka ay ka muuqdaan suuqyada dalalka Gobolka.