Farmaajo oo Amar dul dhigay Lacagtii Imaaradka Carabta ee taala Bandhiga Dhexe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa warqad uu u qoray Guddoomiyaha Bankiga Dhexe waxaa uu ku amray in lacagtii laga qabtay Imaaraadka Carabta sanadkii 2018 aan lacagtaas laga bixinin qansada Bankiga Dhexe.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Farmaajo ayaa lagu xusay in lacagtaas ay waxyeeleyn karto amiga qaranka iyo dhaqaalaha dalka, hadii ay ka baxdo qasnada dowladda.

“Waxaa mamnuuc ah in go’aan hal masuul gaaray lagu bixiyo lacagtaas, iyadoo aan la marsiin hanaan waafaqsan shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka uu Farmaajo soo saaray caawa.

Arrintan ayaa jawaab u ah hadalkii Ra’iisul Wasaare Rooble ee ahaa in Imaaraadka Carabta loo celinayo lacagtooda, isagoo raalli gelin ka bixiyay wixii dhacay April 2018.