Farmaajo oo beeniyey arrin lagu faafiyey baraha Bulshada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad Baraha Bulshada loogu hadal haayay in dowladda Turkiga ay Soomaaliya siisay diyaarado nooca aan duuliyo laheyn ama Madaxweyne Farmaajo uu dhigiisa Turkiga weeydiistay, balse waxaa warkaasi beenisay Villa Soomaaliya.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamad Xaashi ayaa sheegay in kulankii ay yeesheen Madaxweynayaasha Soomaaliya & Turkiga kaliya looga hadlay Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab, isaga oo beeniyay in Madaxwyene Farmaajo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka codsaday Madaxweynaha dalkaas Rajab Dayib Erdogan.

Wuxuu sheegay Agaasime Cabdirashiid in kulankii dhexmaray labada Madaxweyne ay uga wada hadleen xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo dardar iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta, iyo bilaabidda kuwo hor leh oo qayb ka ah qorshaha cusub ee iskaashiga ee dalalka Afrika iyo Turkiga.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa tilmaamay in Iskaashiga amniga ee labada dal uu ku saleysan in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka Al-shabaab, isagoona xusay in dowladda turkiga ay Soomaaliya ka caawisay dhinaca tababarada Ciidamada dowladda ee qeybahooda kala duwan, lana siiyey tababaro casri ah.

Dowladda Turkiga ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageerta dhinaca tababarada Ciidamada, waxaana dalkaas tababar lagu soo siiyey kummanaan Askari oo kamid ah Ciidanka dowladda, halka kuwo kalena tababar ay weli uga maqan yihiin dalkaas.