Farmaajo oo billaabay inuu la heshiiyo siyaasiyiintii Nabad & Nolol ee horay u kala tageen.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirkii hore Warfaafinta X.F.S Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye ayaa sidii Wasiir nimada u waayay kamid ahaa garabka Guddomiye Cabdi Xaashi.

Madaxweyne Farmaajo iyo Xildhibaan Maareeye ayaa la sheegay inay ka heshiiyeen mad-madowgii soo kala dhax-galay.

Heshiiska kadib ayaa Farmaajo u xilsaaray Maareeye ololihiisa doorashada Somaliland, gaar ahaan beeshiisa hoose ee degta Bariga Burco oo Baarlamanka Soomaliya ku leh 8 kursi.

Farmaajo aya mas’uuliyinta ka agdhow ka codsaday in Maareeye lagu taageero dib u doorashadisa golaha Shacabka, waxaana xusid mudan in Maareeye kursigiisa uu kamid yahay 9-ka kursi ee todobaadkaan Muqdisho lagu dooran doono.

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa hore usoo noqday wasiirkii warfaafinta iyo xilal kale waxa uu ka mid ahaa wasiiro aad ugu dhawaa Madaxweyne farmaajo inta aysan kala tegin sanad ka horo o siyaasad aysan isku qaban.

Nabad iyo nolol ayaa dib uheshay mid ka mid ah qalambaawiyiinta af iyo adin ku difaaca halka ay taageersan yihiin,waxaana Maareeye uu mar kale heystaa fursad uu isku soo mutaxo.