Farmaajo oo blagu eedeeyay dagaaladii ka dhacay Boosaaso & Beledweyne.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka qeyb galayay dood lagu qabtay Twitter space oo ku saabsan caqabadaha hortaagan doorashada iyo cidda wada ayaa sheegay in 5-tii sano ee la soo dhaafay ay Villa Somalia iska horkeentay Soyaasiyiin & Beelo, isla markaana ay mas’uul ka tahay dagaaladii ka dhacay Magaalooyinka Boosaaso iyo Beledweyne.

Musharrixiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay Villa Somalia gaar ahaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo in dalka ay ka abuurtay dagaal Beeleedyo iyo in dib loogu laabto colaad horay looga soo gudbay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dhaqanka Villa Somalia uu yahay xoog iyo xukun boob, waddankana ay ka dhigeen mid marwalba ay ka taagan tahay Colaad joogta ah oo u dhaxeeysa Beelaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlayay Arrima ha doorashooyinka waxaa uu sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu sameeyay tan iyo sanadkii 2020 waxkasta uu muddo kororsi ku sameyn karo, balse ay diideen Xildhibaannada Aqalka Sare, Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada mucaaradka, wina farmaajo iyo Saaxiibadiis aysan ogoleyn doorasho ka dhacda dalka.