Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho iyo khilaaf horleh oo laga cabsi qabo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha  muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Istanbuul kaga qayb galay Shirweynihii Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Dalalka Afrika.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Istanbuul waxaa uu kulan la qaatay Madaxweynaha Turkiga Mudane Reccep Dayyip Erdogan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda.

Sidoo kale, waxa uu shir doceedyo la qaatay madaxdii ka qayb gashay Shirweynaha oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha Dalalka, Ruwaanda Mudane Paul Kagame iyo Liibiya Mudane Maxamed Al-menfi.

Dhanka kale soo laabashada Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadeysa xili uu jiro khilaaf cusub oo u dhaxeeyo isaga iyo Ra’iisul wasarare Rooble oo aan weli si rasmi ah banaanka ugu soo bixin balse laga dareemayo siyaasiyiinta labada garab.

Taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaare Rooble ku eedeeyey inuu dhisanayo dhul ay leeyihiin ciidamada Badda, balse siyaasiyiinta ayaa sheegaya in hadalka Taliyaha uu xiriir la leeyahay xilka qaadista xubnihii guddiga khilaafaadka.

Khilaafkaan ayaa loo maleeynayaa inuu ka dambeeyey xilka qaadistii 7 xubnood ee guddiga doorashooyinka, kuwaas oo lagu eedeeyey inay doorashada u boobayeen Madaxweyne Farmaajo.