Farmaajo oo ka hadlay guusha Abiy ee doorashada Itoobiya

4

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed guusha uu xisbigiisa ka gaaray doorashooyinkii baarlamanka ee dalkaas ka dhacay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed inuu sharciyad xooggan ka helay shacabka Ethiopia.”

Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonta wada-shaqeynta dowladda Abiy Ahmed “si loo sii xoojiyey xiriirka labadeena dal si ay uga faa’iideystaan labadeena shacab iyo gobolka oo dhan.”

Guddiga doorashooyinka ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in xisbiga talada haya uu helay 410 kursi oo ka mid ah 436 lagu tartamay baarlamaanka Federaalka.

Doorashooyinka Ethiopia ayaa waxaa qaadacay qaar ka mid ah mucaaradka, lagamana qaban lama ka mid ah 10-ka gobol ee dalkaas, ayada oo dowladda Mareykankaay ku macneysay “mid ay qaladaad badan ka buuxeen.”