Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Muuse Biixi

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madax-banaaninda ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya.

Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa la sheegay inay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Walaalkiis Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tiiraanyada iyo walaaceenna ku aaddan dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed iyo magaalada Hargaysa, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay musiibadan.” Ayaa lagu yir qoraalka.

“Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood.”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa Hargaysa.