Farmaajo oo loo haysto laba arrimood oo halis ku ah dowlad dhisidda Soomaaliya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in hadii aan la helin doorasho lagu kalsoonaan karo ay taasi meesha ka saari karto guulihii laga gaaray hanaanka dowlad dhisidda waddanka.

“Mudo kororsigu ma lahayn sharciyad kumana imaan wada-ogol balse doorashada haatan soconeysa oo aan sharciyad ku dhisneyn waa waajib in ay hesho wada-ogol loona dhan yahay,” ayuu tibaaxay.

Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa sheegay in madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Mohamed Abdullahi Farmaajo uu ka gaabiyay in uu la shaqeeyo guddiyada la-socodka labada gole “taas oo keentay in uu ku guul daraystay qabashada doorashada qof iyo codka”.

Soomaaliya ayuu xusay in ay waayi doonto taageeradda beesha caalamka haddii aysan doorashooyinka ku qabsoomin qaab wanaagsan oo aan la ilaalin daahfurnaanta iyo aqbalaadda wada-ogolka ah.

“Waxaa lagu dhacayo wixii qabsadey Afghanistan, Libya, Yemen iyo Itoobiya waxaana arrintaas ay liddi ku ah guulaha muhiimka ah ee illaa haatan laga gaarey dowlad-dhiska Soomaaliya,” ayuu hoosta ka xariiqay.

Hadaladan ayuu Xasan oo haatan ah musharax madaxwayne uu ka sheegay madasha aragti-wadaaga ah oo lagu qabtay Twitter-ka.

Xasan Sheekh ayaa kamid ah madaxda hor boodeysa midowga musharaxiinta ee kaalinta fircoon ku leh mucaaradka kasoo horjeedo madaxweyne Farmaajo.