Farmaajo oo muujiyey biseyl siyaasadeed oo aan horey looga baran!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii xalay laga guuleystay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo halsano afar bilood oo sharci darro ah wadanka joogay ayaa xalay markii laga guuleystay kadib waxaa uu muujiyey biseyl siyaasadeed oo aan horan looga baran.

Farmaajo ayaa dadka ka aragti duwan la dagaalami jiray, waxayna dadka kutilmaami jireen ‘keligiis taliye’ balse warkaaa wuxuu soo afjarmay kadib markii uu hambalyo iyo duco u diray Xasan Sheekh ka guuleystay.

Hoos ka akhriso.

Waxaan ugu hambalyeynayaa walaalkay Xasan Sheekh Maxamuud xilka loo doortay ee hoggaaminta dalka 4-ta sano ee soo socota, anigoo u rajaynaya in Alle u fududeeyo waajibaadka horyaalla.

Sidoo kale, waxaan ugu hambalyeynayaa Guddoonka iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya biseylka dimuqraadiyadeed ee ay muujiyeen iyo sida ay ugu dhabar adeygeen wakhtigii dheeraa ee ay socotay doorashada Madaxtinimada dalka.

Marnaba waxaanan illaaweyn halganka nafhurnimada leh ee ay muujiyeen Ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah oo habeen iyo maalinba u taagnaa difaaca nolasha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan sugidda amniga goobaha ay ka dhacday doorashada dalka.

Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba waxaan uga mahadcelinayaa taageerada xooggan ee ay u muujiyeen isbeddel doonka socda ee aan hoggaaminayo, anigoo kula dardaarmay in ay si la mid ah u garab istaagaan Madaxweynaha la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.