Farmaajo oo qorshe cusub udejiyey kuraasta taalla Garbahaareey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa umuuqday mid dejinaya istaraatiijiyad cusub uu ugu talo galay arimaha doorashada golaha shacabka gaar ahaan kuraas gaar ah uu ku xisaabtamayo.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa laga ogaaday in Farmaajo uu diidan yahay sidii 16-ka kursi ee yaalla garbahaareey gacanta ugu dhigi lahaa Axmed Madoobe sidaa awgeedna uu taleefoon kula hadlay maamulka gobolka gedo.

Axmed Buule Canjeex waa Gudoomiyaha Dawlada ugu magacaaban Gobolka Gedo isagoo sheegay in aysan hoos tegi doonin Axmed Madoobe iyo Jubbaland oo doorashada iyagu qaban doonaan.

Xogaha la ogaaday ayaa ah in Farmaajo uu si dhaw udiyaariyey qorshe Ceel waaq loogu wareejinayo hadii garbahaareey la isku af garan waayo deegaan doorashada in lagu qabto.

Balse Villa Soomaaliya ayaa ka feejigan damaca Madoobe ee ah In Afmadoow laga dhigo bedelka garbahaareey oo halkaasi xildhibaano aan taageersaneyn Farmaajo lagu soo saaro.

Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah ka wada Xamar iyo Garbahaareey ay kaga soo horjeedaan qorshaha laga abaabulayo Kismaayo.

Madaxweyne Farmaajo shantii sano uu xukunka dalka hayey ma uusan tegin Garbahaareey,xilli magaalooyinka kale ee dalka uu gaaray.

Doorashada ayaa sii noqoneysaa mid xasaasi ah oo dhinacyo kala duwan ay isku fiirsanayaan mid walbana uu doonayo inuu helo guusha xildhibaanada lasoo saarayo.