Farmaajo oo qorsheynaya in Afgembiga cusub Soomaaliya u adeegsado diyaaradaha drone-ta Turkiga.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Markale ayaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo qoraal soo geliyey bartiisa Facebook ayaa ka digay in ciidanka Turkida soo tababarayaan uu ka fiirsado si dalka xoog loogu qabsanin.

“Muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxda dowladda wuu dhammaaday. Go’aannada dagaalka ciidanka iyo amniga loogama amar qaadan karo cid aan sharciyad haysinin. Dowladda Turkiga ee aan walaalaha nahay waa in ay hubiyaan waxa loo adeegsanayo darooniska (drones)ka ay dalka keeneen, saraakiisha loo tababarayo, waana in ay hubiyaan in aan dano shakhsi ah iyo dagaal aan midka argagexisada ahayn loo adeegsanin” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Lama oga jawaabta ay kasoo bixin doonaan dawlada turkiga fariintaasi loo diray iyadoo sidoo kale laga dalbaday inay baaritaan kusameeyaan diyaarado Drone ah oo dhawaan lagu qabtay garoonka Diyaaradaha Muqdisho islamarkaana NISA ay la waregetay lagana digay in iyaguna loo adeegsan karo weeraro qorsheysan.

Turkiga oo ilaa 2011-kii Soomaaliya galaan gal ku lahaa waxa uu yahay waddanka ugu badan ee ciidan utababaray Soomaaliya 10-kii sano lasoo dhaafay balse gor gor iyo harmacad ay tababareen ayaa dhinacyo gaar ah adeegsadaan sida la sheegay.