Farmaajo oo qorsheynaya in Cabdiraxmaan Dheere laga dhigo agaasimaha NISA iyo go’aanka Rooble

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu qorsheenaya in  agaasimaha cusub ee Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ka dhigo Cabdiraxmaan Dheere oo ka tirsanaa baarlamaankii 10-aad.

Farmaajo ayaa doonaya inuu maalmaha soo socdo u magacaabo Cabdiraxmaan Dheere agaasimaha Hay’adda NISA oo muddo badan aan laheyn agaasime kadib khilaafkii ka dhex dhacay Farmaajo iyo Rooble.

Hay’adda Sirdoonka ee NISA ayaa waxaa hadda agaasimne ku-meel gaar ah ka ah Yaasiin Farey, balse Farmaajo iyo Rooble ayaa ku heshiiyey in la magacaabo agaasime ay isku raacsan yihiin, maadaama Yaasiin Farey lagu tiriyo dhanka madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Dheere ayaa billaabay inuu xildhibaano ku dhow Rooble kala hadlay inay xilkamsoo ogoleysiiyaan ra’iisul wasaaraha maadaama madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay horey ugu heshiiyeen in cidda loo magacaabayo xilkaas uu noqdo qof ay isla ogol yihiin labadooda

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay inuu diidan yahay in xilkaan loo magacaabo Cabdiraxmaan Dheere, oo si aad ah ugu dhow Fahad iyo Farmaajo, waxayna taas caqabad weyn ku tahay madaxweye Farmaajo.

Lama oga sida ay ku suurtageli doonto, in abdiraxmaan Dheere laga dhigo agaasimaha NISA, iyadoo Ra’iisul wasaare Rooble uu diidan yahay, balse damaca Farmaajo iyo Fahad ah ayaa ah in abdiraxmaan Dheere laga dhiga Agaasimaha cusub ee Hay’adda.